Ë¿¹ÏÊÓÆµ

Guddiga Waxbarashada ee Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) ayaa maanta yeeshay kulankoodii billaha ahaa

November 29, 2025

Muqdisho — 26 November 2025 (Arbaco) — Guddiga Waxbarashada ee Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) ayaa maanta ku qabtay xarunta jaamacadda kulankoodii bille ahaa, kaas oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Jaamacadda, Dr. Hassan Mohamed Sayid. Kulankan muhiimka ah ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo tayada waxbarasho iyo horumarinta adeegyada jaamacaddu u qabato bulshada.

Intii uu kulanku socday, hormuudyada kulliyadaha iyo madaxda waaxyaha kala duwan waxay soo bandhigeen warbixinno dhammaystiran oo ku saabsan:

Guddoomiyaha Jaamacadda, Dr. Hassan Mohamed Sayid, ayaa ku dhiirrigeliyay dhammaan masuuliyiinta in ay sii kordhiyaan dadaalka lagu hormarinayo nidaamka waxbarasho, isaga oo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo adeeg waxbarasho oo tayo sare leh oo ka jawaaba baahida bulshada.

Guddoomiyuhu wuxuu xusay in Ë¿¹ÏÊÓÆµay ka go’an tahay:

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku wajahan dardargelinta qorshayaasha horumarineed iyo hirgelinta go’aannadii muhiimka ahaa ee laga soo saaray.