Guddoomiyaha Jaamacadda Soomaaliya, Dr Hassan Sayid ayaa ka qaybgalay shir lagu qabtay dalka Uganda.
September 17, 2025
Guddoomiyaha Jaamacadda Soomaaliya, Dr Hassan Sayid ayaa ka qaybgalay shir lagu qabtay dalka Uganda. Shirku wuxuu ku saabsanaa Horumarinta Tacliinta sare ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC)
Shirka oo soconaya sadex maalmood ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Tacliimeed ee dalalka xubnaha ka ah Ururka iyo dejinta istaraatiijiyad mideysan oo lagu horumarinayo waxbarashada sare ee gobolka.